Somali
Home > Somali
U dooro Matt Entenza Gobanatoraha Gobolkeena Minnesota.
- Sadiq Abdirahman - SD 37 DFL Affirmative Action Officer
- Mohamed Jibrell - National Chairman, Somali-Americans for Clinton
- Ibrahim Abikar, Somali community leader
- Hashi Shafi, Somali community leader
Dhaqaalaheena

Magaca Silicon Valley waxa u aha magac erey bixin ah oo nin qoraa ah uu ku curiyey markii uu arkay warshadaha faraha badan ee sameya qalabka loogu talagaley sameynta kombuutarada ee ka soo ifbaxayey magaalada Santa Clara ee Gobolka Kaliforniya. Waxaa kaloo ay halkani ahayd meelaha lagu curiyey sameynta integrated circuit, the microprocessor, computerka, iyo video game. Silicon Valley waxay aad iyo aad ugu macagdheertahay ama lagu yaqana meel cilmiga teknologiyada lagu curiyey oo si habsami ah loogu guuleystay hirgalinteeda. Waa meesha dadka ugu fiican hal abuurka ganacsiga iyo cilmiga Teknaloojigada ayagoo gabi ahaamba ku guuleysteen inay bedelaan sidii hore ee loo adeegsan jiray iyo, xitaa sidii wax loo baranjirney. Cilmiga ay abuureen waxay keentay inay sahasho sidii wax loo iibsan jiray iyo sidii wax loo baran jiray.
Minnesota waxay ay iyana sida Kaliforniya oo kale ay ka faaiideysan karta horumarka cilmiga afka qalaad loogu yeero clean energy ama clean technology. Ku dhaqanka clean engery waxa ka mid ah isticmaalka hawada oo laga dhaliyo Koronto nadiifa ah. Waxaa kaloo ka mid ah iyada oo lagu dadalayo in la helo baabuur koronto ku socdo oo laga kaaftoomo shidaalka. Waxaa hubaal ah, in dunida oo dhan ay damacsantahay inay ku dadaalaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen helida clean energy kaas oo dhabtii gacan weyn ka geysan kara kobcinta dhanka shaqo helida iyo guud ahaan dhaqaalaha. Waxaan hubaal ah in Minnesota ku guuleysan karto inay noqoto meel hogaamisa Teknolojiyada clean energy sida ay Santa Clara ugu guuleysatay oo kale dhanka cimikga Kombuutarada.
Minnesota waxa ay u baahantahay hogaamin wanaagsan oo si gooni ah, oo fiiro gaar ahna siiso cilmigan si loo helo shaqooyin wanaagsan oo halkaas ka soo baxa. Taasi waxay dhalinkarta inay abuurmaan mashruucyo badan oo gobolku ka faaiideysan karo, korna usoo qaadi karo dhaqaalaha Minnesota.
Waxbarashada

Waxbarashadu waxay ka mid tahay wax yalaha ugu qiimaha badan ee annu aaminsan nahay inu gobolkan dhaqaalihiisa ku dhisan yahay. Badiba, aragtida ku aadan waxbarashadu waa mid ay ka mideysan yihiin labada xisbi. Waxaa xaqiiq ah in Guddoomiyaashii hore ee gobolka Minnesota soo maray sida Orville Freeman oo ahaa (DFLer) iyo Elmer Anderson oo ka mid ahaa xisbiga Jamhuuriga ay labaduba si habsami leh uga dadaaleen wax ka qabka waxbarashada gobolka. Sida la ogsoon yahay 1970, iyo 1980, waxa ay Minnesota ahayd kaalinta shanaad marka la barbardhigo gobolada kale.
Haseyeshee waqtigii u dhaxeyey 2006 ilaa 2007 waxa ku yimid dhib u dhac dhanka wax barashada kaasoo uu gobolku booskii shanaad hoos ugu soo dhacay una yimid kii sadax iyo tobonaad. (www.statestats.com/edrank.htm). Waxaan ka xunahay in waqtiga hadda ah ay xitaa qeyb ka mid ah xisbigeena DFLer)ay ku doodayaan in miisaaniyadda laga sii jaro lacagta ku baxda waxbarashada gobolka.
Haddaba maxaa talo ah.
Waxaan aminsanahay in gabi ahaanba la joojiyo No child Left Behind, iyada oo dib loogu celinaayo awooda macalimiinta ardayda waxbarta.
Waa in shaqada macalinimda muhiimada weyn la saraa si ay usoo jiidato aqoon-yahano xirfad fiican leh oo dadka wax bara. Waa in xitaa haddii ay suurto gal tahay la siyaa gunooyin iyo kaalmooyin joogto ah.
Waa in aynu balanqaadnaa inaan misaaniyad weyn aan galino Iskuuladka tayadooda fiican.
Waa in aan ku dadaalnaa isku xirka jaamacadaha labada sano iyo kuwa kale ee afarta sano, iyo mashaariiicda wax shaqaaleeya ee gobolka.
Waa in aan waxbarashada sare aan ka dhignaa mid u furan gobolada kale aan deriska nahay.
Waxaa in aan ku taba ruucnaa dadka qabta shaqo qaran sida dadka u soo dagaalamay wadankeena oon siinaa scholarships.
Caafimaadka

Caafimaadku waxa uu ka mid yahay afarta ugu tunka weyn dhibaatooyinka haysta dhaqaalaha wadanka. Maanta, marka uu qof damco inuu furto ganacsi waxaa uu ka fikirayaa lacagta kaga baxeyso cafimaadka shaqalahiisa. Qofka marka uu ku fikiraayo inuu shaqo badesho waxaa uu ka fikirayaa coverageka cafimaadkiisa. Taasina waxay dhib ku tahay dhaqaalaha wadankeena sababtoo waxay hakineysaa kor u kaca natiijada dhaqaalaha wadanka. Waxaana ka faaiideysnayaa wadamada kale ee tartanka naga dhaxeeyo oo uusan heysan mushkiladaan.
Waxaan qabaa in loo baahan yahay in la helo hab cafimaad oo dadka oo dhan kifaalo qaado kaas oo ay muhiimadiisa tahay in dadka ay daaweeyaan ee uusan noqon mid maamula oo kaliya shirkada insuranceka. Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta anuu aragno Madaxweyne arrinta Cafimaadka muhiimad weyn siinaayo si shaqsi kasta oo loogu helo Cafimaad kaafi ah. Waxaan aminsanahay in lala shaqeyo maamulka madaxweynaha si loogu guuleysto in la irgaliyo arrintan. Waxaan kaloo aminsanahay in Medicare laga dhigo mid dadka oo dhan u fasaxan. Waan la socda inaysan ahayn boqolkiiba boqol maanta Medicare, waxaan u baahanahay in dawladda dhexe ay si wanaagsan ay u maalgaliso. Medicare si waanaagsan ayey ugu shaqeysay duqeyda iyo dadkeena curyaamiinta. Medicare waxa ay noqon kartaa jidkii logu gaari lahaa in qofkasta uu helo cafimaad taam ah oo kifaalo qaado isaga iyo qoyskiisa.




