Meet matt-somali
Home > About > Meet Matt > Meet matt-somali
Tariikh Nololeedkiisa
Marka la eego Nolosha Matt Entenza way adagtahay in si saami ah looga hadlo iyada oonan marka hore tixgalin la siin magaalada Worthington ee ku taalo dhanka Koonfurta Waqooyi ee Minnesota. Magaaladani waa magaaladii uu Entenza waqtiyada fasaxa ah ku qaadan jiray inuu ku ciyaaro waraha ku agyaalo guriga ayeydii, halkaas oo uu ka kororsadey qiimaha nolosha wanaagsan ee tuuloyinka leeyihiin. Waxaa kaloo ay tuuladani u noqotay reer Emtenza degaan kadib markii ay nasiibdaro u adkeysan waayeen balwada abihiis ee cabitaanka Qamriga oo sabab xumo unoqotey iney lumiyaan hoygoogii ku yaaley Gobolka California. Nasiib wanaang tuuladani waa meesha uu kula kulmay nin qiimo leh oo ka ahaa magaaladaas "Qaadi" kaas oo noqdey nin uu ku daydo Matt Etenza jecleysiiyeyna barashada sharciga si uu wax uga qabto xuquuqda dadka iyo sinaanta iyo cadaalada. Matt waxaa uu wax barashada dugsiga sare ku qaatey dugsida sare ee Worthington, halkaas oo uuga sii talaabay hamigiisa ahaa inuu waxbarashadiisa sii wato oo noqdo nin qareen ah.

Noloshii hore ee reerkiisa iyo qaabta loo soo barbaariyey
Matt Entenza qoyskiisu waa mid tariikh dheer ku leh, kana soo jeedo gobolkan ilaa sanadkii 1870. Waxaa uu Matt Entenza awoowgiisa hore oo lagu magacaawi jirey John Silvernale uu ka qeyb qaatey dagaalkii sokeeye ee dhaxmaray askartii midowga (Union) iyo kuuwii koonfurta ee loogu yeedhi jirey (konfedareedka). Kadib, dagaalkas dabadeed ayaa waxaa uu John noqdey hantiileh dhul gaaraya ilaa 80 hecktar oo laga siiyey dhanka koonfurta Minnesota una dhow magaalada lagu magacaabo Marietta. Nolosha waagaas ee awoowgiis ayaa aheed mid aad u adag. Sababtoo ah, waxaa dhici jirtey in beerahoodii aysan dalag fiican dhalin. Guryahoodiina ay noqdaan biyo galeen. Hase yeeshee, dadkii degaankoodii kama cararin. Waxaa ay ku dadaaleen sidii ay isugu tiirsanaan lahaayeen, markii uu waqtiga fiicnaadeyna oo noloshii xogaa sare u soo kacday, waxa ay sameysteen Kaniisad iyo dugsi wax lagu barto.
Xiligii lagaaray "Great Depression" ee ka dhacdey mareykanka taas oo dhalisey in dad badan ay xitaa waayaan wax ay cunanaan, ayaa Matt ayeydiis oo lagu magacaabo Louise Mowery ay heshay shaqo kalkaaliso ay ka noqotay Bangi. Bangigaas oo la oran jiray First State Bank oo ku yaaley Rushmore. Shaqada ugu horeysay ay qabatey wax ay aheed iney dadka bankigaas ku leh qasnadaha ay la socodsiiso iney lagac dhan $100 loogu soo shubey qasnadooda taas oo aheed gargaar ka timid dowlada dhaxe oo markaas uu madaxweyne u ahaa Roosevelt. Madaxweynaha Mareykana iyo dowladiisa ayaa la dagaalameysay in Bangiyada wadanka oo dhan ay wada xirmaan. Markaas si aysan taas u dhicin ayaa waxaa kaalmo degdeg ah loo fidiyey in dadka la gacan qabto. Louise waxa ay howl karnimadeedii gaarsiisey iney mudo kadib ay Bangigaas ka noqoto madaxweyne ku xigeen
Matt hooyadiis Georgia waxaa ay ku kortey Rashmore, iyo Worthington laakiin wax ay uguurtey California si ay ugu shaqeyso aqoonteeda kalkaalisinimo ay xirfada u lahayd. Matt waxaa uu ku dhashay 1961 magaalada Santa Monica, California. Nasiib daro, Matt aabahii waxaa uu la tacaadiday cudurka qamriyacabnimada oo laga qaado cabitaanka badan ee qamriga. Kaas oo sababey inuu reerkiisa hanan waayo oo xitaa masaariiftoodii uu ka soo bixiwaayo. Taas oo xitaa kaliftey in Abahiis uu reerkiisa galiyey deemo badan oo aysan awood u laheen iney bixiyaan. Xitaaa markii danbe kalifay inuu gabi ahaanba ka haajiro masuuliyadii reerkiisa, sababna u noqdo iney lumiyaan gurigoodii oo ay noqdaan reer aan hoylaawe ah. Midan ayaa ku kaliftey Matt hooyadii iney reerka dib ugu soo rarto Minnesota. Matt oo markaas ahaa 15jir ah. Matt hoyadiis Georgia waxaa ay ku dadaashey iney caruurteed dib ugu celiso iskuulkoodii iyana ay bilowdo shaqadeedii kalkaalisinimo aheed si ay ugu filnaato noloshooda.
Markii uu Matt Entenza bilaabey dugsigiisa sare ayaa waxaa uu la kulmey nin abuukato ka haa magaaladaas uu degaan oo lagu magacaabo Gary Crippen, ninkaas oo u noqdey nin aad u gacan qabtey oo tusay muhiimada sharciga, jecleysiyeyna inuu barto Sharciga. Matt uma laheen wax xirfad ah dhanka sharciga oonan ka aheen waraaqihii maxkamada ka iman jirey ee markii danbe loogula wareegay gurgigooda. Matt waxaa uu Gary Crippen ka faaiideystay inuu sharcigu yahay halbowlaha ilaalinta xuquuqda rayidka iyo wax qabadka sinaanta dadka.
Heerksiia Waxbarasho, iyo Shago, ee Hore
Matt waxa uu kabaxay dugsiga sare ee Worthington Senior High School. Wuxuu uu kadib kuguuleystay inuu kahelo deeg wax barasho Augustana College oo ku yaala magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota, isaga oo markasta ku hanween inuu barto maadada sharciga. Matt waxaa uu sanadkiisii labaad waxbarashadiisa u soo wareejiyey Jaamada Macalester College ee ku yaala St.Paul, Minnesota, si uu halkaas ugu siiwadato tacliintiisa. Matt, waxaa uu si tartan ahaan ah ugu guuleystay inuu noqdo madaxweynaha ardey umatelo Jaamacada, amaba afka qalaad lagu yidhaaho (Student body president). Mudadii uu Jaamacad dhiganey waxaa uu Matt ku taqasusay barashada "environmental studies" halkaas oo ku qaatey adeegii ugu horeeye oo uu ku muteystay darajo sare. Markii uu dhameystay wax barashadiisa waxaa uu u shaqo tagey inuu la shaqeeyo goboranotoorihii hore ee Minnesota oo lagu magacaabi jiray Elmer Andersen iyo wiilkiisa oo markaas joogay macad lagu magacaabo H.B. Fuller Foundation. Ilaa hadda Matt waxaa uu ka xasuustaa in Gobonatoorihii hore ee Elmer uu oran jiray sababta ay Minnesota u noqotay gobol fiican oo barwaaqo ah waxa ay aheed aqoonta wanaagsan ee loogu dadaalay in la gaarsiyo Caruurta.
Matt waxaa uu ka tagay Macadkaas 1984 markii uu u shaqo tagey dadaal loogu macadaray Nuclear Weapons Freeze oo uu horjooge ka ahaa nin Professor ka ahaa Jaamacada Carleton College oo magaciisa la oran Jiray Paul Wellstone.
Isla sanadkaas 1984, Matt waxaa uu guursadey Lois Quam. Matt iyo Lois waxay markoodii ugu horeysay ku kulmeen tartan oraaheed oo ka dhacayey tuulada Pipestone, Minnesota. Kadibna, markii ay Matt iyo Lois ka dhameysteen waxbarashadoodii dugsiga sare, waxaa ay bilaabeen iney kobciyaan xiriirkooda shaqsiyadeed ilaa heer guur. Kadib, markii ay isguursadeen waxaa ay uguureen England si ay Lois u dhigato jaamacada Oxford, Matt, isna waxaa uu ugudbey inuu barto maadada sharciga isla jaamacadan gudaheeda. Waxaa kaloo uu noqdey macalin waxbara ardeyda dugsiga sare maadooyinka sharciga iyo siyaasada. Kadib, markii uu Matt ku soo noqdey Minnesota, waxaa uu dib ugu noqday University of Minnesota qaybteeda sharciyada laga barto. Waxaa uu shaqo ka helay Hennepin County Public Defender's office, isaga oo noqdey kalkaaliye wanaagsan kuna wanaagsanaa isku xirka kalkaaliyaasha kale ee ka mid ka ah ururka AFSCNE qeybihiisa kala gedisan.

- Matt and his family at home. Left to right: son Will, wife Lois, son Steve, Matt, and son Ben
Waxaa sanadkii 1989 Matt iyo xaaskiisa Lois u dhashay wiil yar oo loo bixiyey Ben. Waxaa danta ku kaliftey in Matt uu noqdo Aabe guri jooga ah, daryeelana wiilkiisa yar, isaga oo sii wada waxbarashadiisa, xaaskiisana ay shaqo ka bilowdo UnitedHealthCare. Kadib, markii uu Matt ku guuleystay inuu dhameysto waxbarashadiisa ayaa waxaa uu shaqo ka bilaabey xafiiska Minnesota State Attorney Generalka, isaga oo noqdey assistant attorney general qeybta "Charities" amaba mucaawinada. Waxaa uu Matt ku guuleystay inuu xiro xafiis sixun ugu takafuray daryeelka caruurta ay u qaabilsanayeen iney u raadiyaan qoyses fiican oo caruurtaas waalid u noqdo, dhibaato badan u geystey qoysaska gobalkan Minnesota. Waxaa kaloo uu dacweeyey labo ministers amaba wadaado ka dhacay lagaco badan qoysas heysta caruur xanuunsan oo organ suga ah.
In muda ah kadib, Matt waxaa uu u dalacay Hennepin County Attorney's office, isaga oo noqdey assistant Hennepin County attorney oo maxkamadeeyo dadka ku lugta leh, waxa afka qalaad lagu yiraahdo white-color crimes, amaba dadka aqoontooda wax ku dhaco ee adag sida lagu ogaado. Matt waqtigii uu ka shaqeynaayey attorney general's office, waxaa uu isna bilaabey inuu ka mid noqdo the Merriam Park Community Council iyo ururada kale ee xaafadeed. Waqtigaas oo magaalada St.paul ka soo kabaneysay dhaqaalo xumadii 1990 isla markaasna ay dugsiyada qabeen baahi badan oo dhanka daryeelka ah. Matt, waligiis ma uusan hilmaamin sida uu uga fa'iidey waxbarashadii lacag la'aanta aheed uu kusoo qaatey ilaah heerkii sugsiga sare. Waxaa kaloo uu aaminsanaa in waxbarashadu tahay kaalinta muhiim ah marka loo eego Minnesota gobol ahaan.
Waxaa kaloo ay aheed waqti uu wiilkisa ugu weyn uu isna markaas bilaabey iskuulkiisii. Matt oo dareensan arrimahan oo dhan ayaan waxaa uu u tartamey State House of Representatives oo markaas banaanadey. Waan uu ku guuleystay inuu helo booskaas.

Waqtigii uu Matt ka midka ahaa legislatureka waxaa uu ku dadaaley in la kordhiyo daqliga la siyo iskuuladka gobolka, waxaa kaloo uu gacan weyn ka geystay sharciyaga ilaalinay xuquuqda dadka wax iibsanayo oon shirkadaha wax laga gato si aysan u dhibaateen dadka macaamiishooda ah.. Waxaa kaloo dadaal ka geystay si canshuuradka guryaha looga dhimo dadka dhaqaalahooda hooseeyo iyo kuwa kale ee dhaxdhaxaadka ah. Waxaa kale oo uu Matt xooga saarey isaga oo kaashanay ururka AARP si loo xakameeyo shirkadaha xayeesiinta ee dad badan ay dhibsadeen, iyaga oo qaarkood ay dhibtaatooyin tuuga dhac ah u geysteen dadka waayeelka ah. Matt waxaa uu ku gulestay in sharciga Do Not Call laga hirgaliyo kaas oo xakimeynaya shirkadahan wax xayeysiinayo. Waxaa kaloo uu xooga saarey si aanan lacagaha xisaabaadka ay bixiyaan dadka reer Minnesota aysan si dhibyar loogu ciyaarin, waxuu kusoo rogay iskuulaadka Charters iney la yimaadan xisaab xir sax ah oo ka turjumeysa waxqabdkooda.

By 2003, marka la eego aqalka wakiilada ee Minnesota, waxaa uu xisbiga jamhuriya ku guuleystay inuu ka kormaro dhanka tirado ahaan xisbiga dimoqraatiga 28 wakiilo. Taas oo dhalisay in ay wakiiladii xisbiga Demoqraatiga ah ay la yimaadaan hogaan cusub oo dardar galiya isbadel markaas loo baahnaa. Waxaa ay waliilada xisbiga isku raaceen iney Matt u doortaan hogaamiyahoodii. Doorashooyinkii dhacayey 2004 waxaa uu Matt gabi ahaanba ku dadaaley inuu isku xiro dhamaan doorashooyinkii wakiilada xisbigiisa soo wajahay una sahlay iney hal cod kuwada hadlaan kaas oo ka turjumaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabadka dhanka waxbarashada iyo cafimaadka gobolka. Taas oo ay aad u soo dhoweeyeen dadweynaha gobolka una codeyeen badi xisbiga Dimoqraadka, halkaas oy ku soo ceshteen tiro ahaan 13 kursi oo labo kursi oo kaliya ku sigeen iney noqdaan majority.

Ururo badan oo ay ka mid yihiin Children's Defense Fund, the Coalition of Greater Minnesota Cities, the Minnesota Farmers Union, the National Child Support Enforcements Association, the League of Conservation Voters, the Minnesota Nurses Association, the Minnesota Coalition for Battered Women, the National Coalition to End Child Hunger and Mothers Against Drunk Driving ayaa gabi ahaanba isku raacsan inuu Matt Entenza uu shaqooyin wax ku ool ah u qabtey shacbiweynaha ku dhaqan Gobolka Minnesota.
Maanta iyo Matt Entenza

Matt iyo qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa Lois, iyo laba wiil oo mataano ah ay dhaleen ayaa waxaa ay degan yihiin St.Paul. Wiil koodii ugu weynaa Ben, waxaa uu hadda ku maqan yahay Jaamacad ku taalo Colorado. Matt waxaa weeye Pilot leh license lagu duulin karo diyaaradaha, aadna u jecel kooxda kubada koleyga ee Minnesota Timberwolves oo iyagu in muda ah ba, ay dulsaarneed guul daro joogto ah. Matt xaaskiisa Lois waa aas aasaha iyo madaxa shirkada lagu magacaabo Tysvar (www.tysvar.com) oo ka ganacsata dhanka cafimaadka. Waxaa Lois iyo Matt ay u dabaaldegeen xuska sanadguuradii guurkooda ee 25 oo ku beegneed sanadka 2009.
Matt waxaa uu hadda u shaqeeyaa Minnesota 2020 taas oo fursad qaali ah u siisay inuu dhax maro dhamaan gobolka Minnesota isaga oo meelkasta uu tago dhago dhageynaayo dhibaatooyinka ay ka midka yihiin dhaqaalo xumada, shaqo la'aanta, xoos u dhaca dhaqaalaha dugsiyada la siyo, iyo qiimaha cafimaadka ay dadku bixiyaan oo kor isku shareeray taas oo dhamaan reer Minnesota ka wada dhawaajisay sababtoo ah ma'ah arrimahan looga bartey iney Minnesota ka dhacdo. Sababtoo ah Gobolkan waxaa uu markasta ahaa meel ku dheereysa daryeelka xaga waxbarashada iyo cafimaadka. Kadib markii uu arkey dhibaatoyinka soo food saartey gobolkeena ayuu Matt damac ka galay inuu bal isku dayo inuu tartamo.
Matt waxaa uu aaminsan yahay in reer Minnesota ay yeelan doonaan mustaqbal fiican haddii ay isku duubnaadaan oo wadajir u wajahaan arragti mideysan oo lagu kobcinaayo dhaqaalaha Gobolka. Wax yaalaha uu aminsan yahay in wax laga qabto ayaa waxaa ugu horeeya dhanka waxbarashada oo sida uu dareensahay hordhac u ah horemarkasta oo ay caruurta Minnesota yeelandoonto. Waxaa uu marar badan yidhi - yaan caruurta imtixaan oo kaliya lagu mashquulin ee sifiican wax ha loo baro. Mida xigta waa in wax laga qabto cafimaadka, oo la helo cafimaad waanaagsan oo kaafinkara dadka, haddan aan aheen mid qiimahiisu qaali yahay. Si dadku isugu filnaado waa in la abuuraa shaqooyin wanaagsan ooy ka shaqeytaan. Gababadii, Matt waxaa uu rajeynayaa inuu u qiimo leh ugu shaqeyo reer Minnesota sifadii lagu soo koriyey tuuladii uu kusoo barbaarey ee aheed Worthington taas oo la mid ah tuuloyinka kale ee ku yaala Gobolkeena Minnesota oo dhan si ay dhamaan u noqdaan kuwo lagu najaxo.




