Somali
Home > Issues > Equal Rights for All > Somali
Matt Entezza Markuu Madax ka ahaa Golaha Xildhibaannadda ee Minnesota (House of Representatives) Xeerarka uu Dejiyay Golaha ka nsixiyey waxa ka mid ahaa.
- Sanadkii ugu horreeyey oo loo doortey Golaha Xildhibaannadda ee Minnesota 1995, wuxuu Qorey, oo Golaha ka ansaxiyey, in lacag la siiyo Guddiga Qaabilsan Madowga Minnesota (Black Minnesotans Council).
- Matt wuxuu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansixiyey, xeer joojiyey midab takoorka ka jirey Minnesota xaga guryaha. Tasu waxey wax u tartey dadka madow oo guryaha iibsanayey ama kireysanyay.
- Matt wuxu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansaxiyey, xeer shaqadda ka taageeriya dadka ku cusub Minnesotta sida Soomaalida.
- Matt wuxuu ka mid noqdey guddoonka Danwadaagida Waxbarashadda Dadka laga Badan Yahay ee Minnesota (Minnesota Minority Education Partnership) oo ku salysan in dhalanyaradda aan cadanka aheyn (minority) laga caawiyo sida ay Jaamicidaha u geli lahayeen.
- Matt wuxuu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansaxiyey, xeer u oglaanaya dad aan macalimiin ahaan jirin, laakinse cilmi iyo tacliin sare leh, iney macalimiin ka noqdaan dugsiyadda. Fursaddan noqoshadda macalinimadda waxaa ka faa'iidaystay dad badan oo aan cadaan aheyn (minority) sida Soomaalida oo hadda wax ka dhiga dugsiyadda. Xeerkan waxaa bedeley Governor Tim Pawlenty oo diidey dadkas cilimaga badan leh iney dugsiyadda wax ka dhigaan.
- Matt wuxuu u dagaalamey in kharashka loo kordhiyo dugsiyadda "ESL" ka ah, oo af ingriisiga lagu baro carrurta aan afkooda hooyo aaney af-Ingrisi aheyn.
- Matt xagga ilaalinta Xuqooqda Aadamiga, marka uu sannadku ahaa 1997 wuxu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansaxiyey, xeer xoojinayey Xuqooqda Aadimiga oo qeexayay inaan qofka midab takoor lagu sameyn karin.
- Matt wuxuu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansaxiyey, xeer kordhinaya waxbarashadda dadka waaweyn oo tacliin bilow ah (Adult Basic Education) baranayana akhriga iyo qoriinka af ingriiska, xisaabta ama sayniska. Intaan Matt sameyn xeerka kordinaya Waxbarashadda Asaasiga ah ee Dadka Waaweyn, mudo badan ayey dadku sugi jireen dadku fasalladda waxbarashadda. Xeerka dadka waaweyn tacliinta u kordhin lahaa dadka waaweyn waxaa is hortaagay Barasaabka Minnesota, Tim Pawlenty.
- Marku sannadku Matt wuxu qorey, oo Golaha Xildhibaannadda Minnesota ka ansaxiyey, xeer kordinaya Ciqaabta (Xabsiga ama Takhsirta) danbiga ku saabasan takoorka midabka ama diinta.
- Hadii Matt Etenza ku guulaysto doorashadda xafiiska barasaabku wuxuu noqonayaa mid ay iska arkaan dadka reer Minnesota oo dhan. Wuxu ballan qaadayaa in uu noqdo barasaab matila dadka Minnesota oo dhan (cadaan, Madow, Muslim, Masiixi).
- Matt Entenza Marka uu noqdo barasaabka wuxu xoog saarayaa in uu soo dhoweeyo dad midab, luqad iyo dhaqan ku kala duwan (diversity). Taas oo ku slaeysan in dadka Minnesota hore ujoogey ay iyagaba naftodo ka kala yimaadeyn wadano iyo dhaqano kala duwan.
- Marka Matt Entenza uu noqdo barasaabka Minnesota wuxuu xoojin doonaa xiriir wanaaga uu la yeelan doonno golayasha dadka aan midabkoodu caddeyn.




